General Koronto oo sheegay in Shabaab laga sifeeyay wadada Balcad & Jowhar

0

General Maxamuud Maxamed Koronto, Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xooggga Dalka, ayaa shaaca ka qaaday inay Xoogaga Ururka Al Shabaab ka sifeeyeen wadada dheer ee xiriirisa Degmooyinka Jowhar & Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha, ayaa tilmaamay tani inay ka dambeysay markii ay ciidan xoogan soo dhigeen wadada, isla-markaana ay baacsadeen Shabaabkii soo galay wadadaasi.

Taliyaha oo u waramay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu ku waramaya inaanay xilligan wax dhibaato ahi ka taagnayn isu socodka wadada isu xirta Balcad iyo Jowhar, sida uu yiri.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamuud Maxamed Koronto waxa uu qiray in mar ay Shabaabku soo buuxiyeen wadada, kuna dhibaateen jireen gaadiidka, balse ay hadda meesha ka saareen dhibaatadaasi.

General Maxamuud Maxamed Koronto, ayaa ballanqaaday inay soo bandhigi doonaan muuqaalo muujinaya sida Shabaabka looga sifeeyay wadada, ayna jooggan Ciidanka Xoogga Dalka oo keliya.

Dhanka kale General Koronto, ayaa ku hanjabay in iminka ka dib ay Shabaabka ugu taggi doonaan xarumahooda, oo sida uu ka dhawaajiyayba ay garanayan.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Maamulka Hirshabelle, ayaa Isniintii qaaday guluf xoogan oo ay Shabaabka kaga kicinayan wadada Jowhar iyo Balcad, waxaana hawlgalkaasi horkacayay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe).