Maxkamadda sare ee Hindiya oo dalbatay baaritaanka xaakim dhintay

0

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya ayaa sheegtay in ay shaki badan ka qabto siyaabaha uu u dhintay xaakim maxkamad darajada hoose ah oo lagu magacaabo BH Loya, kaas oo dhintay sanadkii 2014-tii.

Xaakimka ayaa dhintay waxyar ka hor inta uusan go’aan ka gaarin dacwad la xiriirta mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga talada haya ee BJP oo lagu magacaabo Amit Shah.

Xaakimkii badalay ayaa dacwadii loo heystay Shah daaqada ka tuurey.

Waxaa la sheegay in xaakimka uu u dhintay wadne xanuun, balse warar kusoo baxay qalabka warbaahinta Hindiya ayaa lagu muujiyay shaki balaaran oo ku saabsan geerida xaakimka.

Maxkamadda sare ayaa waxa ay dhagaysanaysaa arji ku saabsan in dib loo furo baaritaanka geerida xaakimka oo lagu sheegay in ay ahayd arrin dil ah.

Bishii hore afar ka mid ah xaakimiinta maxkamadda dastuurka ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxa ku sheegeen in dimoqoraadiyadda Hindiya ay halis ku jirto, iyaga oo eedeeyay xaakimka sare Dipak Misra.

Mid ka mid ah waxyaabaha ay ku eedeeyeen waxaa ka mid ah sidii loo maamulay dhagaysiga dacwadda geerida garsoore Loya.