Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 7-dii bishan January Muqdisho uga ambabaxay safar uu ku soo maray Gobolada Puntland iyo Galmudug, safarka Madaxweynaha ayaa qaatay mudo ku siman 16 maalmood, wuxuuna booqashadiisa inta badan ku bixiyay degaanada Galmudug.
Dhanka soo dhaweynta Madaxweynaha ee Puntland iyo Galmudug
Labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa si aad ah uga diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha waxaana maamul walba uu ku xisaabtamayay inuu noqdo maamulka qaato kaalinta soo dhaweynta, Wasiiro, Xildhibaano, oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug iyo kuwa maamulada ayaa ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta Madaxweynaha.
Sidoo kale dadweyne aad u fara badan oo Puntland iyo Galmdudug ka soo kala jeeda ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay dhammaan degaanada uu booqashada ku tagay, dadka Farmaajo soo dhaweynayay inta badan waxa ay wateen sawirka Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha, iyaga oo banaanka hore ee magaalooyinka uga hortagayay wafdiga Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa inta uu booqashadiisa ku guda jiray waxaa qado sharaf iyo casho sharaf loogu sameynayay beeraha iyo meelaha jawigooda degan yahay, iyada labada maamul ay gudoonsiiyeen Madaxweynaha abaalmarino kala duwan oo ay ka mid ahaayeen in la siiyay Faras, Geel lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo waliba dharka dhaqanka Soomaaliyeed.
Dhanka Ammaanka
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kaafi Guduuda, kuwa AMISOM, iyo kuwa labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug oo maamul walba booqashadiisa uu ammaankiisa suganayay ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka, Ciidamada ayaana kahor tagay arbushaad dhacda inta lagu guda jiray safarka Madaxweynaha.
Waxaa jirtay in Ciidamo ka tirsan Galmudug ay waxyeelo gaarsiiyeen wariyeyaal ka howlgalayay magaalada Gaalkacyo oo ay ku eedeeyeen in ay tabiyeen warar ka soo horjeeda safarka Madaxweynaha, Ciidamada Galmudug ayaa xiray Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ahaa Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug, inkastoo maalmo kadib ay soo daayeen, Madaxweynaha waxaa magaalada Muqdisho ka raacay wariyeyaal.
Booqashada Puntland ee Madaxweynaha
Madaxweynaha oo safarkiisa ka bilaabay magaalada Garowe ayaa 8-dii January Daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe,
10-kii January Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa si wadajir u dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta Dangoronyo iyo degmada Eyl ee Gobolka Nugaal. Inta uu ku guda jiray safar dhanka dhulka ah oo uu ku tagayay magaalada Qardho oo Garowe u jirta 222-KM.
Intaasi kadib Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 11-kii January xili Subax ah ka soo ambabaxay magaalada Qardho oo habeen qura uu ku hoyday, wuxuuna soo gaaray magaalada Boosaaso oo Qardho ujirta 258-KM, balse inta uusan Boosaaso soo gaarin ayuu soo maray degaano labadan magaalo u dhaxeeya oo uu ka mid ahaa degaanka Waaciye.
Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeyr, Karin iyo Laag oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta iyo la tashiga shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu safarka ku jiray waxa uu dhagax dhigay wajiga labaad ee waddo laami ah isku xireysa Ceel Daahir iyo Ceergaabo. Halka uu Deegaanka Kalabeyr ka dhagax dhigay waddo isku xiri doonta deegaankaas iyo Degmada Beyla ee Gobolka Bari.
Intaas kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xarigga ka jaray dhismaha xafiisyada Shirkadda isgaarsiinta Golis oo ah dhismaha ugu dheer ee laga hirgeliyey magaalada Boosaaso. Sidoo kale waxa uu daah furay adeegga Internetka ee xawaarehiisu sarreeyo (Fiber Optic) oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo deegannada Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa 13-kii January safar dhanka cirka ah ku gaaray Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland oo Boosaaso ujirta 538-KM.
Booqashada Madaxweynaha ee dhanka Galmudug
Madaxweyne Farmaajo oo 14-kii January booqasho ay uga bilaabatay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo e Galmduug ayaa isaga iyo Madfaxweynaha Galmudug waxa ay si wada jir ah u dhagax dhigeen dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo wadada isku Xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehlinayo Xaaf ayaa dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayo Gaalkacayo.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay waddo isku xiri doonta degmada Hobyo iyo magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug.
15-kii January wafdiga Madaxweynaha ayaa gaaray magaalada Cadaado waxa uuna ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo, iyadoona ay si weyn u soo dhaweyeen shacabka ku nool Saddex Higlo, Bandiiradley, Ceel Akhwaan, Dagaari iyo Gelinsoor kuwaas oo marin u ah jidka dheer ee isku xira Gobollada Mudug iyo Gal-guduud.
16-kii January Madaxweynaha ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb oo Cadaado ujirta 77-KM, wuxuuna sii maray degaano u dhaxeeya labadaas magaalo oo shacab weyne fara badan ay isugu soo baxeen.
Madaxweynaha ayaa Dhuusa-mareeb 18-kii January uga qeyb galay Munaasabada midowga Galmudug, waxaana intaas kadib Madaxweynaha oo booqday xerada 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka Ahlusuna ay Madaxweynaha ku wareejisay Guuto ka tirsaa Ciidanka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna.
19-kii January Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud, kadib waxa uu uga sii gudbay magaalada Caabud-waaq.
22-kii January Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.
23-kii January Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo markale ku soo noqday Cadaado oo Caabud-waaq ujirta 86-KM ayaa ku dhawaaqay in Cadaado noqonayso Xarunta Barlamaanka Galmudug, Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa wuxuu dhagax dhigay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado oo dib u dayactir ballaaran lagu sameyn doono.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo socdaalkooda ku soo qatimay magaalada Hobyo shalay ayaa halkaasi gaaray, kadib Diyaarad ay ka soo raaceen magaalada Cadaado oo Hobyo ujirta 326-KM.
Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay dhismaha Dekedda Hobyo iyo waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Hobyo, Cadaado iyo Caabudwaaq.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigey dhismaha garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado. Halka uu dhagax dhigey Xabsi Dhexe oo laga hirgelinayo deegaanka Bangeelle oo hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, wuxuuna safarkiisa la xiriiray Nabadda iyo Dib u heshiisiinta.
W/D:-Abdirashiid Ali Dubbad Gacal
@ Radio Risaala