Magaalada Alexandria, ee gobolka Virginia, ee dalkan Maraykanka, waxaa lagu qabtay xalay shir looga hadlay arrimo ay ka mid tahay saameynta Soomaalida waqooyiga Amerika ay kala kulmaan arrimaha argagixiso la-dirirka iyo Islaam-naceyb-ka.
Wariyaha VOA-da Sahra Cabdi Axmed ayaa kulankaas ka qeyb gashey waxeyna, markii uu dhammaaday kadib kulankaasi wareysi la yeelatay Danjire Abukar Carmaan, iyo Fawsiya Cabdulqaadir oo ah aqoonyahan deggan dalka Kanada iyo Horseed Nuux oo agaasimaha masaajidka Abubakar ee Columbus Ohio, waxaana hadalka ku horeynaya Horseed Nuux.