Dagaal ka socda Xarun Ciidanka lagu tababaro oo ku taalla Kabul

0

Aroortii hore ee saaka oo Isniin ah Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday Xerada Ciidamada Afghanistan lagu tababaro ee ku taalla Kabul,taas oo lagu magacaabo Marshal Fahim.

Kooxda weerarka qaadday ayaa qaraxyo xiriir ah ku billaabay weerarka iyada oo ay xigtay rasaas fool ka fool ah taas oo ilaa hadda ka socota Xarunta.

Dalka Afghanistan waxaa Bishan kaliya uu marayaa weerarkii 4aad oo aad u xoogbadan,waxaana ka horreeyay saddex weerar oo ka kala dhacay Kabul iyo Jalalabad,iyada oo isu geyn ay ku dhinteen dad ka badan 150 Qof.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ayaa labio maalmood ka hor ka dhacay bartamaha Kabul kaddib markii Gaari nooca Gurmadka deg degga ah loo adeegsaday qarax islamarkaan aay ku dhinteen 103 Qof iyada oo 150 kalena ay kud ahawacmeen.

Sidoo kale waxaa ka horreeyay weerar lagu qaaday Xarunta Hay’adda Save The Children ee Jalalabad,taas oo sababtay in Hay’adda shaqo joojin kaga dhawaaqdo Afghanistan,waxaa ka sii horreeyay weerar lagu qaaday Hotel caalami ah oo ku yaalla Bartamaha Kabul halkaas oo ay ku dhinteen 22 Qof.

Weerarka hadda socda wali cidi masheegan hayeeshee weerarradii ka horreeyay waxaa inta badan sheegtay Daalibaan,iyada oo weerarkii Jalalabad ay sheegatay Daacish.

Dowladda Afghanistan wali kama hadlin howlgalka hadda ka socda xerada tababarka Ciidanka ee Marshal Fahim,halkaas oo ay ku dagaallamayaan koox hubeysan iyo Ciidamada uu tababarka uga socday.