Gudoomiyaha degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal Mudane Maxamed Maxamuud Buurdibi ayaa ka hadlay Shirkii lagu heshiinayey Beelaha ee ka dhaci lahaa duleedka deegaanadda Cagaare iyo Qorile.
Maxamed Maxamuud ayaa sheegay shirka Beelaha inuu furmayo Sababtida soo socota iyadoo ay ka soo qayb gali doonaan dhamaan waxgaradka oo isugu jira Isimo,Nabadoono iyo masuuliyiin ka socda maamul goboleedyada Puntland,Somaliland iyo Somalida Itoobiya ee Kilinka Shaanad.