Golaha Guurtida ee maamulka Somaliland ayaa waxa ay shaqo joojin ku sameysay Xildhibaan ka qeybgalay munaasabas dhaqan oo ka dhacday magaalada Carmo ee gobolka Bari.
Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa warbaahinta u sheegay in ay shaqadii ka joojiyeen Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan kaddib markii uu ku xadgudbay xeerla u yaallay golahan.
Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan ayaa magaalada Carmo uga qeybgalay munaasabad lagu caleemo saarayey Beeldaajaha Cali Saleebaan.
Xildhibaanka ayaa arrinta keliya ee lagu haysto ayaa ah keliya in uu ka qeybgalay deegaan uu ka arrimiyo maamulla Puntland isaga oo Xildhibaan Somaliland.
Xabsiga Hargeysa ayaa maalin ka hor laga sii-daayay Boqor Buur-madow oo isna kamid aj Waxgaradkii lagu xasumay caleemo saarka Beeldaajaha.
Maamulka Somaliland ayaa xasbiga dhiga dadka magaca leh ee kasoo keeda deegaanadeeda haddii ay tagaan qeybo kamid ah dhulalka aanay iyaga maamulin ee Soomaaliya.