Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 20 August 2018 isku bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka iyo Guddoomiayaha ee Hay’adda Qandaraasyada Dowladda Puntland.
Xeer Madaxweyne Lr. 109 August 20, 2018, kuna saabsan isku bedel Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka iyo Guddoomiayaha ee Hay’adda Qandaraasyada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markay tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Waxuu Xeeriyey:
- WaxaaIbraahim Cumar Aadanloo bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.
- WaxaaMowliid Abokor Abkeyloo Bedelay Guddoomiyaha Hay’adda Qandaraasyada Dowladda Puntland.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu
DHAMMAAD-