Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay qoraalkii ka soo baxay Guddigii aqalka Sare u xilsaartay xalinta khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada,oo ay gudigaas sheegeen in xal laga gaaray.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aanka ay Aqalka sare soo saareen Jubbaland ay soo dhaweyneyso,hayeeshee aysan micnaheedu aheyn inuu dhamaaday khilaafka Dowladda iyo Dowlad goboleedyada.