Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Nugaal ayaa looga digay Musharrixinta Puntland 2019 inay degmadda Garoowe ku qabtaan shir ama Munaasabado aysan dowladda ogayn,khaasatan maamulka Gobalka Nugaal.
Sido kale waxaa warqadda ku qornaa in xiliyadda ay imaanayaan Musharrixinta kahor ay lasoo socodsiyaan maamulka gobalka Nugaal,2 berri kahor waa inay soo sheegan murrashixinta imaanshahooda gobalka ” ayaa lagu yiri warqadan maanta kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha gobalka Nugaal Cabdisalaan Xasan.
Awaamirtan Cusub ee lagu soo roggay musharraxinta ayeey ku shegeen maamulka gobalka Nugaal mid ay ku xaqiijinayaan amaanka Caasimadda Garoowe.