War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay Mareykanku joogteyn doonaan duqeymaha cirka ah ee Soomaaliya ay ka geystaan.
Waxa kale oo ay warkaasi ku sheegeen in ay duqeymahaasi ku difacaayaan shacabka Soomaaliyeed sida ay sheegeen ayna taageerayaan dowladda Soomaaliyeed.
Warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxa uu u qornaa sidatan.
“Inagoo taageereyno dadaalada dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku ciribtirto shabaabka ka dagaalama Soomaaliya, ayaa waxan fuliney duqeymo dhanka cirka ah oo aan ku beegsaneyno saraakiil shabaab ah oo ku sugnaa deegaanka Quy Cad taariikhdu markey aheyd 27 november 2018 waxaana weerarkaasi ka horeeyey labbo weerar oo kala dhacay 19 iyo 20 isla bishaan waxan xaqeejiney in seddex sarkaal oo ka tirsan shabaab aan ku dilnay weerarkaas.
Waxaan kaloo xaqeejineynaa in weeraradaasi ayna saameyn dad rayid ah.
Waxaana sii xoojin doonaa la shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Amisom iyo saaxiibada kale ee doonaya in ay xasilooni kuso dabaalaan Soomaaliya inagoo qeyb ka ah dadaaladaas waxaan joogteyn doonaa duqeymaha aan la beegsano alshabaab si aan u kala dhantaalno awoodooda taasi oo shacabka Soomaaliyeed u ah horumar la taaban karo.
Alshabaab waxa ay beegsadan shacabka aan waxba galabsan balse taliska ciidamadda Maraykanka ee Afrika waxa uu sameyn doonaa wax waliba oo ay ku difaacayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamadda maraykanka waxa ay adeegsan doonaan wax waliba oo ay ku difaaci karaan shacabka Soomaliyeed iyaga oo kaashanaya ciidamadda AMISOM iyo ciidamadda xoogga Soomaliyeed”.