AKHRISO:- Imaaradka iyo QM maxay kawadda hadleen?

0

Maxamed Axmed Cismaan Al Hammadi, oo ah danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, ayaa kala hadlay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya UAE iyo Xafiiska QM ee Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray kulanka, oo lagu qabtay xarunta safaarada ee Muqdisho, waxay dib u eegeen horumarkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaalka ay wadaan Imaaraadka Carabta iyo Qaramada Midoobay si ay u taageeraan dalka.

Al Hammadi Waxaa uu sheegay in taageerada UAE ee ku aadan kor u qaadista amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya sare loo qaadi doono Bilaha soo socda.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ayaa ku booriyay dadaallada joogtada ah ee Imaaraadka in ay taageeraan hawlaha bani’aadamnimada, gargaarka iyo horumarinta ee Soomaaliya.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro Mugdi Siyaasadeed oo wali ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta,kaasoo ka dhashay in dowladda Imaaraadka ay taageyrayso Xubno Mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya.