Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horeysey ka hadley kala diristii guddiga maaliyada baarlamanka ee uu sameeyey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.
Gudoomiye Mursal oo hadda ku sugan dalka Turkiga, ayaa sheegey inuu berri tegi doono magaalada Muqdisho, kadibna uu u eegi doono go’aanka kala dirista guddiga maaliyada, si loo xaqiijiyo inuu waafaqsan yahay xeer hoosaadka barlamanka.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si toos ah u sheegin inuu sharci yahay kala dirista iyo inkale isagoo ku adkeystey inuu marka uu dib ugu laabto dalka Soomaaliya uu arrintaas go’aan ka gaari doono.