Waxaa Maanta oo Sabti ah dib ugu laabtay dalka Itoobiya,Guddoomiyaha Jabhada ONLF Maxamed Cumar Cusmaan oo mudo Toban Sanno ah ka maqnaa dalkaas.
Guddoomiyaha oo ay wehlinayaan Xubno ka tirsan ONLF oo fadhigoodu yahay Asmara ayaa waxaa soo dhaweeyay Xubno uu ka mid yahay Axmed Shide oo ah Madaxa Xisbiga talada haya ee dowlad Deegaanka ahna wasiirka Maaliyadda iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar.
Guddoomiye Maxamed Cumar Cusmaan ayaa mudo ka maqnaa dalka Itoobiya,iyaga oo dagaal jabhadeysi ah kula jira Itoobiya,isla markaana ay fadhi ka sameesteen dalka Ereteriya.
Hayeeshee dib ugu soo noqoshada Itoobiya Madaxda Sare ee Ururka ONLF ayaa ka dambeysay kadib heshiis uu horbaadayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.