Akhriso:-Duqeyn cusub oo Mareykanka ka fuliyay Gobolka Baay

0

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyn cusub uu ka fuliyay maalintii shalay deegaan ka tirsan Gobolka Baay uu ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo Lebede, hase ahaatee dadka deegaanka ay sheegayaan inuu yahay deegaanka Buur Gaalway oo u dhaxeeya Diinsoor iyo Buurhakaba.

Taliska Mareykanka AFRICOM ayaa sheegay in 9 dagaalame ay ku dileen duqeynta, iyadoo aanay jirin dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay.

Duqeyntan ayaa ah tii 37aad oo Mareykanka ka fuliyo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa goor sii horeysay shaaciyay in howlgal ay fuliyeen ciidanka Amniga iyo saaxibo caalami lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.