AKHRISO:- Madaxweyne Gaas oo baaq u diray Beelaha Puntland ee ku aadan soo xulista Xildhibaanada

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Beelaha Puntland in ay soo xushaan xubnaha Golaha Wakiilada u matelaya,wixii khilaaf ahna dhexdooda ka xalistaan.

Madaxweyne Gaas ayaa xeerkan ku sheegay in Beeluhu ay xubnaha u gudbiyaan Guddiga xalinta Khilaafaadka illaa 10ka December.

Madaxweynaha Puntland ayaa mar kale ku celiyay in doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxtooyada ay ku dhacayso waqtigii loo asteeyay.