Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed” Waan ka warqabnaa Musharixiinta ciidamada la yimid Baydhabo”

0

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed  ayaa waxaa uu si faahfaahsan ugu hadlay  Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada ee Koofur Galbeed ee xiligan  Ciidamo badan la tagay Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu Sheegay wasiirka in Musharaxiintaasi ay doonayaan in ay Ciidanka ku suggaan Ammaankooda inta ay ku jiraan Ololaha doorashadda madaxtinimada ee Maamulkaasi.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in  dhaq dhaqaaqa ay wadaan ciidamada ay wataan Musharixiinta ay ka warqabaan Maamulka Koofur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta ayaa waxaa uu musharixiinta ka dalbaday in ay deganaasho  u horseedaan Shacabka ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii musharixiinta qaar ay ciidamo iyo hub la tageen magaalada Baydhabo ee Gobalka bay.