DHAGEYSO:-Masuul Ka Tirsan Hir-Shabeelle Oo Kasoo Horjeestay Xilka Qaadis Lagu Sameeyay

0

Waxaa haatan soo baxaya khilaaf soo kala dhex galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle,kadib markii xilka qaadis lagu sameeyay Xogheyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhawaan ayaa waxaa soo baxday warqad xilka looga qaadayay Xoghayaha degmada Balcad,isla markaana lagu Magacaabay xoghaye Cusub,hayeeshee uu sheegay in dad dano gaar ah wata ama hab beel ku gambanaya aysan xilka ka qaadi Karin.

Xoghayiha degmada Balcad lana sheegay in xilka laga qaaday Maxamed Cade Axmed (Dhacdoy) ayaa sheegay in uusan arkin warqad ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle iyo Madaxda ugu sareeysa Maamulkaas.