Madaxweynaha soomaaliya oo tacsi u diray qoyska Bush iyo shacabka Mareykanka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush iyo shacabka Maretkanka.

Farriinta Tacsida ee Madaxweyne Farmaajo uu soo dhigay bartiisa gaarka ee Twitter-ka ayuu ku sheegay in Madaxweynihii hore Bush uu ahaa nin dowladeed oo dhab ah oo dadaalkiisa u huray nabadda Dunida.

“Anigoo ku hadlaya magaca Shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska Bush iyo shacabka Mareykanka geerida Madaxweynihii hore ee Mareykanka George H.W. Bush. Madaxweyne Bush wuxuu ahaa nin dowladeed oo dhab ah oo ka go’an nabada adduunka iyo ilaalinta dimuqraadiyadda”ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yiri farriintiisa Twitter-ka.

Hase ahaatee farriinta uu bartiisa Twitter-ka ugu tacsiyadeeyay qoyska reer Bush iyo Shacabka Mareykanka ayaa waxaa uu kala kulmay dhaleeceyn xooggan, iyadoo dadka qaar ee ka fal celiyay ay ku tilmaameen inuu u tacsiyadeynayo dalkiisa labaad ee Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa heysta dhalashada Mareykanka, isagoo muddo dheer ku noolaa dalkaas.