AKHRISO:- Aqoon isweydaarsi La Xiriira Hirgelinta Hiigsiga 2030-ka oo Barlamaanka Loo Qabtay

0

Magaaladda Muqdisho waxaa ka furmay aqoon isweydaarsi la xiriira doorka barlamaanka ee hirgalinta barnaamijka Hiigsiga 2030 ee Somaliya, waxaana loo qabtay xildhibaanada Barlamaanka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad ayaa furay aqoon isweydaarsiga, waxaana inta uu socda aqoon iswaydaarsiga ka faa’ideysan doonaan Mudanayaasha Baarlamaanka ee labada Aqal, iyadoo diirada lagu saarayaa ka mira dhalinta yoolka 2030-ka ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mowliid Xuseen Guhaad ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha barnaamijkan looga baahan yahay wixii ay ka faa’ideystaan iney gudbiyaan saaxiibadoodaa aan fursada u helin iney ka soo qeyb galaan.

Nahiid Husein oo ah madaxa qaybta siyaasadaha loo dhan yahay ee UNDP oo barmaajikana wax ka qabanqaabisay oo ku hadleysay magaca Hay’ada UNDP, waxay sheegtay in Baarlamaanka Soomaaliya uu door muhiim ah ka ciyaari karo in Soomaaliya ay yeelato hadaf cad oo ku wajahan 2030.