Ergayga Khaaska ee Ururka AU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francesco Madeira ayaa saadaaliyey inay si habsami leh u dhici doonto Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ee lagu wado inay dhacdo 4 sanno kadib.
Ergayga oo la hadlayey Suxufiyiin ka kala socday Dalalka ay Ciiddanka AMISOM ka joogaan Somalia, waxa uu tilmaamay inay DFS qorsheysay inay Doorashadda Labaad ee sannadka 2020-ka, isla markaana uu diyaar-garowgu horey u bilowday.
Ambassador Francesco Madeira waxa uu soo hadal-qaaday Dooraashadii lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Doorashadaasi ku dhacday rabshad la’aan, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Ergayga AU-da ee u jooga Somalia waxa uu Weriyayaasha u sheegay inay Ciiddanka AMISOM ay abuureen Deegaan Ammaan ah oo taageeray dadaalka muhiimka ee Horumarinta Siyaasadda Somalia, Doorashadii Barlamaanka Federalka, Madaxweynaha DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda.