Guddoomiyaha Degmada Bula Burde Mudane Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa Xafiiskiisa Xarunta Degmada ku qaabilay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage oo howlo shaqo ku jooga Buula Burde.
Abaanduulaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay sidii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan ay uga qeyb qaadan lahaayeen Xoojinta amniga islamarkaana maamulka iyo bulshada ay ula shaqeyn lahaayeen.
Cabdi Daahir Guure Karoore Guddoomiyaha Maamulka Degmada Bula Burde ayaa abaanduulaha sharaxaad ka siiyay dhibaatada degmada ka jirta ee go’doonka ay ku jirta ah iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in la isugu furo wadooyinka xiran ee soo gala degmada.