Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Hub Iyo Waxyaabaha Qarxa

0

War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha Hoose kusoo qabteen hub iyo waxyaabaha qarxa.

Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in holwgal xalay laga sameeyay Xarun ay lahaayeen Al-Shabaab ee deegaanada Sabiib iyo Caanoole lagu soo qabtay waxyaabha qarxa hub iyo laba Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Hay’adda NISA waxa ay shaacineysay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish,hayeeshee aan weli Warbaahinta loosoo bandhigin.