DHAGEYSO:-Hay’adaha Amaanka Dowlad deegaanka Somalida Oo Fashiliyey Qarax la soo abaabulay

0

Hay’adaha Amaanka Maamulka Soomaali State Ayaa Gacanta Ku Dhigay Isla-Markaana Fashiliyey Qarax La rabay In Lala Beegsado Goobaha Ay Bulshadu Ku Badan Tahay Sida Jaamacadaha Iskuullada Isgaarsiinta Iyo Goobaha Ay Bulshadu Sida Weyn Ugu Badan Yihiin Iyadoona Falkaan Ahaa Mid La Doonayey In Lagu Wiiqo Amniga Iyo Xasiloonida Shacabka Ku Dhaqan Dhulka Somali State.

Sidoo Kale Qaraxa Ayaa Waxaa Bar-Bar Socday Warqado Ay Ku Qoran Yihiin Hadallo Iska Hor Keenaya Shacabka Qawmiyadaha Iyo Oromada Ee Ku Sugan Dhulka Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Taliyaha Booliska Soomaali State Max’ed Cali Xasan Oo Saxaafadda La Hadlay Ayaa Sheegay In Qaraxaan Ay Soo Abaabuleen Dadkii Taageraha U Ahaa Maamulkii Cabdi Max’ud Cumar Iyo Kuwo Gabaad Ka Dhiganaya Falal Arga-Gixisanimo Si Ay U Qal-Qal Geliyaan Amniga Deeganadaasi.