Waxaynu wada ogsoonahay,in Puntland maamulkeedu soo jiray mudo labaatan sanadood ah,run ahaan maha xili yar oo umadi ku hagaajisan waydo hab maamulkeeda. wax la taaban karo oo hormar ah oo maamulku sameeyay mudadaas aadka u dheer majirto,inta muuqatana waa waxa ay qabsadeen si shaksiyan ah dadwaynaha Puntland.
Waxa weheliyaa waa mashaariicdaas,shisheeyuhu u qabteen gobolkastoo soomaaliyeed oo ay kamid tahay Puntland. waxaase aad ubadan inta mashaariic shisheeye dadkaa masaakiinta ah ku caawin lahaa ay u qabsoomi wayday damaca maamulka oo sababay in shisheeyihii wixiisii la noqdo,waxaana u danbeeyay mashruucuu uu jarmalku ka fulinaayay,wadada isku xirta garoowe iyo gaalkacayo oo baabasan,taasoo sababta shilalka faraha badan ee ka dhaca puntalnd. lacag 23 malyan ah ayuu galaaftay madaxweyne Gaas. waxayna keentay in mashruucii joogsaday gabi ahan tiisba.
Puntland xili sii horaysay,ayay gaari lahayd hormar aad u balaaran dadkuna heli lahaa shaqo iyo tacliin tayo leh hadii aysan jiri lahayn musuqmaasuqa xadkii dhaafay,oo ayba noqotay madaxtinimada puntland iyo hogaan keeda sare shirkad ganaacsi oo loo soo shaqo tago malaayiina laga tabcado sida ku cadba.
Hodii dadku yeesho damiir iyo ka fogaansho xoolo xaaran ah,hantida taala puntland ee soo gasha dawlada waa mid si wayn uugu filan baahida guud ee Puntland shacabkeeda. markii madaxdu jeebka gashato 10,000 000 oo doolarka maraykanka ah,waxaad dareemaysaa inta mashaariic ee ay u qaban lahayd dadweynaha hadii lagaliyo dalka.
Waxaa xusid mudan inta gaar ahaan hada dr gaas yimid Puntland,in maamulkiiba noqday gole ciyaala suuq oo bahdil ku ah ilbaxnimada soo jireenka ah ee Puntland. dhaqan xumada iyo xurmadarada ka dhacday Puntland waxaa kamid ah,in shacabka reer goldogob ay codsadeen in magaaladaas goldogob laga dhigo Gobol xili hore iyagoo dr gaas uugu tagay caasimada Puntland ee Garoowe. odayaashii iyo cuqaashii iyo wax garadkii deegaankaas waxaa wakhtigoodii looga riday balan qaad been ah waqti dhumin iyo lugooyo. waxayna ku dhamaatay in waxay xaqa u lahaayeen ay ka waayeen dawladooda iyadoo loo diiday qiila aan in goldogob lasiiyo gobolka ay u qalanto xaqana u leedahay iyadoo buuxisay shuruudihii oo dhan.
Maamulkii iyo dawladnimadii Puntland waxayba noqotay hoy musuqmaasuq iyo dhaqan xumo aan abid hore loo arag.Waxay noqotay meel dad gaarihi ku danaystaan dadka kalana laga horjoogo oo ah meel ka caagan u adeega si cadaalad ah dadka dhexdiisa sida gobolada iyo dagmooyinka Puntland. waxayba noqotay meel siyaasada dad gaara ay ufurantahay xaqna u leeyihiin laakiin inta kale aysan gayinba!
Taleex waa dagmo kamid ah Puntland,waxay mudantahay in lasiiyo xuquuqdeeda,waxay uqalanta in ay noqoto gobol,wayse wayday xuquuqdaas mudo dheer.Puntland waxaa ka jira magaalooyin u qalma dagmo oo laga hortaagan yahay sidoo kale,iyadoo sababtu tahay siyaasada oo laga hortaagan yahay oo ah in ay helaan hormar lana mid noqdaan dagmooyinka iyo gobolada Puntland. dhanka kale intay jirtay Puntland waxaa lamagacaabay,gobolo iyo dagmooyin gaar ahaan dagmooyin aad ufarabadan,oo badankoodu u qalmin dagmo laakiin lagu siiyay eex iyo qaraabo kiil.
Maalin dhawayd oo isin dhaqan ahi booqday taleex waa boqor burhaan,ayaa waxa farqaha iska laad laadshay si xuna uugu ooyay,isimada dhaqanka ee dhigiisa ah ee u dhashay taleex iyo guud ahaan caro daraawiisheed. xaqoodii ay kawaayeen dawlada Puntland ayay waydiisteen in isagu usoo dhiciyo! Boqorku saxaafaduu u yeertay isagoo halkii fadhiya ayuu bixiyay amar ah in Taleex laga dhigo gobol,23.11.2018 kadibna waxaa garoowe lagaga dhawaaqay in taleex goboltahay 6.12.2018 amarka boqorka iyo ku dhawaaqida waxaa u dhaxaysay 12 maalmood,halka mudo 4 sanadood ah oo ay odayada taleex ka daba laabanayeen madaxweynaha Puntland ay waxba ka waayeen.heer odayadii dhaqanka lakala fadilo ayay gaar tay oo qaarna lamaqlo qaarna la xaqiro waana godob aad ufool xun oo aan caradan laga aqoon hada kohor.
Waxaa nin waliba arkaa heerka musuqu gaaray,oo meeshaba uusan jirin hanaan dawladnimo maamul iyo sharci,qabiil iyo laaluush ayaa hoy unoqday Puntland sanadahan danbe dhab ahaan. Isagoo awoodii lagu aaminay iyo masiirkii umada ka faa iidaysanaaya dr gaas ayuu reer taleex iyo sool ku qasbay in waxay xaqa u lahaayeen inta u diiday hadana kaga iibsanaayo kursigii ka dhamaaday si uugu soo noqdo!! kuma xira oday dhaqameed iyo codkaaga isii xuquuqda goboleed ee ay leedahay taleex.
Waxaa nina aan ka qarsoonayn,degmooyinka iyo gobolka uu magacaabaayo dr gaas oo xilkii ka dhamaaday in ay tahay korobshan iyo musuqmaasuq halkii usaraysay abid ee ka dhaca Puntland. tani waxay ceeb iyo bahdil ku tahay sharafka Puntland iyo intay jirtay. qaabka kursiga lagu doonaayo maanta Puntland waa heer xad dhaaf ah oo waali ah. waa in wax garadku caymiyaan karaamada umada oo wax layskula haraa.
Waxaan cidina diidanayn,dalkeena in gobol iyo dagmaba la magaacabo laakiin maha in laaluush laga dhigaa xaqa dadka oo looga faa iidaysto kursiga. waa dhaqan xumo caruurta loo beeraayo iyo wadaniyad xumo mana la aqbali karaayo.masiirka umada maha qamaar iyo mid mansab lagu doonto. waa in aynu wada illaashanaa Puntland sharcigana ku dhaqanaa musuqmaasuqana aan kawada hortagno inagoo mid ah. musuqmaasuqu maha siyaasad waa danbi aduun iyo aakhiraba lagu halaagmo.
Markaan xuuraan saday dr gaas waxaa iisoo baxday in uusan caadiba ahayn,khatarna ku yahay Puntland.mawaxaa fayoobaan ah ninka saacadan inta orday isku sawiraaya Dekada Garacad isagoo 5 sanadood aan maalin soo booqan,afar oday lacag siinaya ah igu sawir garacad! hada waa nin xiligiisiiba dhamaaday. saw dhaqan xumo dadkeena la baraayo maha,waxaa layiri” Nin dhirbaaxo quureed dugsaday dhaqashadeed maalyee” Adeer dalka madaxweyne malaha inagaa leh oo ah shacabkii Puntland sidan danmaha iyo sharaf iyo magac midna. Adeer diinteena iyo iimaankeena iyo nasab nimadeena iyo wadaniyadeena iyo dadkeena iyo dalkeenu maha mid lacag lagu iibsado.
Waxaan doonaynaa nin sinaan iyo cadaalad iyo hormar nagu maamula oo dhex noo ah,waana haysanaa ragaas aan ka faa iidaysano aqoontooda iyo kartidooda.Puntland waxaa khasab ku ah isbadal cusub iyo hogaan cusub.Adeer duniduba kuma qurxoona in ay meel uun taagnaato intii mudo ah isbadalkaa door fiican dhala.