Dhowr Markab Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka dalkaasi ayaa waxay ka soo shiraacdeen Dekedda magaalladda Zhanjiang oo ku taalla Gobalka Guangdong ee Koonfurta Shiinaha, kuwaasi oo ku soo wajahan Gacan-biyoodka Cadmeed, si ay u gelbiyaan Maraakiibta Rayidka ee isaga kala gooshta marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo kan Hormuz.
ilaa 700 Saraakiil iyo Ciiddamo ayaa la socdaa Maraakiibta ay Shiinaha u soo direen Xeebaha Somalia, waxaana Maraakiibtaasi ka mid ah Mid ay Gantaallo ku rakiban yihiin, Markab nooca Berri-biyoodka iyo Markab sahayda qaada.
Waxaa kaloo wehliya Ciiddamo Khaas u tababaran iyo 3 Diyaaradaha Helikopterada ee ay Qoryaha ku rakiban yihiin.
Dhinaca kale, Ciiddanka Badda ee Shiinaha waxay Hawlgalladda Gelbinta Maraakiibta ee Xeebaha Somalia bilaabeen bishii December ee sannadkii 2008-dii, waxayna gelbiyeen 6,595 Markab, waxayna badbaadiyeen ama taageero siiyeen in ka badan 60 Maraakiib laga leeyahay shiinaha iyo kuwo kale.