DHAGEYSO:-Amar la Duldhigay Ciidamada ilaalada Musharaxiinta Madaxtinimo ee Puntland 2019

0

Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa waxaa kusii qul qulaya Musharaxiin tiro badan oo u socda qabashada Xilka Madaxweyninimo ee Puntland 2019.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Mudane Xassan C/laahi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa sheegay inaysan Musharaxiinta Amniga Caasimada Faraha ka saarin Gaar ahaana ciidamada ilaada u ah Musharaxiinta oo hub aysan la Aadi karin Magaalada Marka aysan Shaqo ku jirin.