Iyaddo Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya Maxamed Mursal sheekh lagu eedeynayo in uu Gudan waayeey wajibaadkiisi dowladnimo,isla markaana uu sameyeey qalalaase siyaasadeed ayaa waxaa soo baxaya xildhibaanada siyaabaha dastuuriga ah uga hadlaya arrimaha uu Mursal Abaabulay.
Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka dastuurka Soomaaliya ayaa soo jeediyey in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari uu xilkiisa lumiyey, kadib markii uu ku xadgudbay qodob dastuuri ah. Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka 65-aad ee dastuurka faraciisa 3-aad uu dhigayo in guddoomiyaha baarlamanka uu ka baxo dhammaan wixii xisbi ah ee uu ka tirsan yahay inta uusan qaban xilka, islamarkaana ay shaqadiisa dhex-dhexaad noqoto.
“Guddoomiye Baarlamaan ma ku milmi karo xisbi ama arrimo siyaasadeysan, waana inuu dhexdhexaad ahaan u gutaa howshiisaa sharci dajinta ah. Bal xisaabta ila fiiriya.” Ayuu yiri Xoosh Jabriil.
Dhinaca Kale Guddoomiyaha baarlamanka ayaa shalay ka guuray gurigiisa oo ku dhex-yaalla xarunta Villa Somalia wuxuuna degay hotel Shabeel oo ah xarunta xisbigii hore ee Daljir ee hadda ku biiray xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hogaamiyo.
Guddoomiyaha ayaa waxaa hadda ku hareereysan xildhibaanada Daljir iyo Damu-Jadiid ee isku noqday UPD, waxaana laga cabsi qabaa in go’aano badan oo ka dhan ah dowladda ay kasoo baxaan.Saacad un kadib markii uu shalay u guuray xaruntiisa cusub, waxa uu Mursal soo saaray warqad uu ku sheegay in mooshinka madaxweynaha uu weli taagan yahay, inkasta oo 14 xildhibaan oo ka mid ahaa 92-ka xildhibaan ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay, taasi oo xogahayaha baarlamanka uu sheegay in mooshinka ay jebisay.