AKHRISO:- Dhul gariir xoogan oo ku dhuftay dalka Australia

0

Dhul gariir cabirkiisu uu yahay 5.6 ayaa waxa uu ku dhuftay deegaan 200,KM kaga beegan Magaalada Waqooyi Galbeed dhacda ee Carnarvon,ee dalka Australia sida ay xaqiijiyeen hay’adda baarta masiibooyinka dabiiciga ah ee dalkaasi.

Saraakiisha caafimaadka oo warbaahinta Australia la hadlay ayaa sheegay in khasaaro nafeed uu ka dhasahay dhul gariirkaasi balse dib ay ka soo sheegi doonaan, waxa ayna intaas raaciyeen in ay wadaan dadaallo dadka deegaanka uu ku dhuftyay dhul gariirka lagaga samata bixinayo dhibaatada gaartay.

“Dhibaatada ugu badan waxaa dhaliyay dadka deegaanka laguma wargelin in halis kusoo food leedahay oo deegaankooda dhul gariir kusoo wajahanyahay, waxaana masuuliyadaasi leh oo aan ku eedeeynayaa Midowga hay’addaha masiibooyinka, oo ay ugu horeeyaan hay’adda Autralian Tsunami waana ka xumahay in sidaan ay wax u dhacaan” ayey sheegtay haweeney u hadashay wasaarada Caafimaadka ee Australia.