Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni waxa uu Aqalka Mdaaxtooyadda ee Entebbe kula kulmay Wafdi ka socday Dowladda Maraykanka oo ay hoggaaminaysay Kaaliyaha cusub ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Bariga Afrika, Ambassador Makila James.
Madaxweyne Museveni iyoAmbassador Makila James waxay ka wada hadleen Xaalladaha Gobalka, gaar ahaan qoddobadda khuseeya Ammaanka ee dalal ay Somalia ka mid tahay.
Kaaliyaha cusub ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Bariga Afrika, Ambassador Makila James waxay Dowladda Uganda uga mahad celisay taageeradda ay ka geystaan Hawalgalka Ciiddanka AMISOM iyo Ammaanka Somalia.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni oo ka hadlay Qaabilaadaasi waxa uu carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay Dhismaha Hay’addaha Somalia, gaar ahaa Ciiddanka, si loo buuxiyo marnaanshaha arrintaasi ee Hay’addaha Somalia.
Kulanka Madaxweynaha Uganda iyoAmbassador Makila James waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Maraykanka u jooga Kampala iyo Madaxa Waaxda Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ee Hawlgalka Maraykanka ku leeeyahay dalka Uganda.