Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Sanad guuradda 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Ciidankaasi.
“Aniggoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Ciidanka Xoogga dalka Waxaan Hambalyo u dirayaa Sarreeyaasha , Saraakiisha, Saraakiil xiggeennada, Alifleyd iyo dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Maalinta berri ah u dabaal dagaya Sanad guurrada 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga
Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Dalka.
Slået op af Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed i Onsdag den 19. december 2018