DHAGEYSO:-Faah faahin dagaal beeleed ka dhacay shabeellaha Dhexe

0

Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxay dagaal beeleed maanta ka qarxay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka oo ka dambeeyay markii maleyshiyo beeleed ay isku qabsadeen Dhul beereed ayaa ka dhacay tuulada Bukurarka Biiqaaley.

Hal qof, oo lagu sheegay inuu ahaa wiil 10-sano jir ah oo hoygiisa ay ugu tegtay xabad, ayaa ku geeryooday dagaalkaan ka dhacay degaankaasi udhaxeeya tuulooyinka Goley Daa’uud iyo Cadeyga ee gobolka Shabeellaha Dhexe.