DHAGEYSO:-Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Sh/ Dhexe

0

Illaa saddex ruux ayaa ku Geeriyootay, tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal Beeleed shalay gelinkii dambe ka qarxay deegaanka Buku Rarka Dhiiqaaley oo u dhexeeya deegaanada Gololey iyo Cadayga oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkan oo xalay soo gaaray ayaa dadka dhintay waxaa ku jira Wiil yar, wuxuuna  ka dhashay muran la xariira arrimo ku saabsan deegaameysi iyo aanooyin horay u soo jiray.