Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ka soo cusboonaaday Degaanno Hoos Yimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo lagu taageerayo Al-shabaab, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha inay joojiyaan colaadahaasi, waxaana uu carabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn xiligan dhiig si macno daro ah loo daadiyo, iyadoo uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab.
Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, isagoo uga digay beelaha Hirshabelle inaysan taageerin Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox kasoo horjeedda nabadda iyo deggenaanshaha dalka.
“Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay , Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax ka maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli.
“Walaalaha ku dagaalamaya Hiiraan ha ogaadaan in colaadaha ay galayaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guddi u diray, joojinta colaad beelaadyadaasi, kuwaasi oo isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidamada Hirshabelle, iyo Waxgarad kale waxaana maalintii sedexaad Degmada Maxaas ay u joogaan sidii loo joojin lahaa Colaadahaasi.