Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Sh/ Dhexe

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka qarxay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Maleeshiyo Beeleed ku sugan deegaanka Bukarar ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Maleeshiyaadkaasi ay ka biyo diideen dadaallo nabadeed oo ay Ciidanku ka wadeen halkaasi.

Ciidamadan oo ah kuwa Milatari ah ayaa shalay dowladda Soomaaliya waxa ay u dirtay deegaankaasi, si ay u kala dhexgalaan Beelo ku dagaalamay halkaasi.