Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa soo dhaweysay isbedal uu Taliyaha ciidanka xooga dalka sameeyay.
Maxamed Xasan Daahir, oo kamid ah ciidamada xooga ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay isbedalka mid muhiim u ah gulufka Al-Shabaab lagula jiro baryhihii dane.
Wuxuu si cad u sheegay inay sii dar-dargelin doonan dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab ee guud ahaan dalka ka socda.
Dhinaca kale, Maxamed Xasan Daahir ayaa ka hadlay howlgalo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.
Waxa uu sheegay in howlgaladaasi ay guulo la taaban karo ay ka gaareen ciidamada xooga dalka Soomaaliya.