Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ballaaran ka wada degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.
Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa ay ka socdaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi.
Maxamed Ibraahim Barre guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoos ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi.
Guddoomiye Barre ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu yahay mid lagu baadi goobayo kooxo shalay dil ka geystay gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada ammaanku ay ku raadjoogaan Raggii ka dambeeyay dilkaasi.