AKHRISO:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Waxgaradka Cadaado Oo Ka Wada Hadlay Dagaal Beeleedyada

0

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Cadaado ayaa marti qaad u sameeyay maanta wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdiga Nabadeed ee uu hoggaaminayo oo waayahaan ku sugnaa Gal-mudug si ay u joojiyaan dagaallo dhex maray beelo walaala ah.

Wasiika arrimaha gudaha XFS ayaa odayaasha Cadaado ee Marti qaadka ugu sameeyay duleedka magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Gal-mudug, waxa uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan ka guul gaaridda dadaallada nabadda ee isaga wafdiga uu hoggaaminayo ay ku joogaan Gal-mudug.

Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga uu hoggaaminayo ay baaqi kusii ahaanayaan deeganada Gal-mudug inta laga dhammaynayo colaadaha ka jira deegaanka ee ay isku dilayaan beelaha walaalaha ah.