Baarlamaanka Puntland oo la doortay Gudoomiye cusub

0

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta Gudoomiye cusub ku doortay Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiye u doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed oo ku magac dheer Dhoobo-daarood.

Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) ayaa helay  43 Cod ,halka uu helay Cabdijamaal Cismaan Maxamed  23 Cod ,kaasoo kula tartamay  Wareegga Labaad.

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood]  ayaa ah Xildhibaan mudo saddex jeer usoo tartamay Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland [2014, 2015 iyo 2019].

Dhoobo-daarood ayaa doorashadii 2014 ku haray wareegga kowaad, waxa uu haddana isku soo taagay xilkan 2015 markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Saciid Xasan Shire, balse waxaa ka adkaadey Axmed Cali Xaashi.