25 arday oo baratay culuumta badda ayaa maanta axad ah ka qalin jebisay Academiyada Culuumta badda ee Khalif Macow ee magaalada Muqdisho iyada oo ay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda ka qayb gashay munasabadaasi.
Munasabbada Qalin jebinta waxaa ka qayb-galay Wasiirka ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare dawladda Soomaaliya, Mudane Faysal Cumar Guleed, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Benaadir, Muuse Macalin Maxamed, gudoomiyaha hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliyeed, Admiral Prof. Farax Axmed Cumar ‘Qare’ iyo marti sharaf kale.
” Aad ayaan uga farax sanahay in aan ka faa’ideysto mudada hal sano ee aan dhiganayey Academiyada oo culuumta badaha iyo sharciyadeeda ka bartay, waana cilmi farsamo oo aan ku shaqaysan doono, waan mahad celinaya dhamaan macalintii wax na bartay”, Kamaal Xuseen Dalmar oo ku hadlayey magaca ardada ka qalin jebisay Academiyada ayaa sidaas yiri.
Prof. Faarax Qare ayaa sheegay in meel hoose oo eber ah ay ka soo bilaabeen cilmi baarista la xiriira hay’ddan oo isaga 5-sano ka hor loo magacaaway inuu hogaamiye, wuxuu ka codsaday dawladda in ay siiso Iskuuladii cilmiga badaha lagu baranayey, si buu yiri looga faa’ideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.
“Ku dhawaad 200 arday ayaa ka fa’ideysatay barashada Cilmiga badaha, dufcadan waa tii 3-aad, waxaana ay maanta qaadanayaan shahaado ‘Diploma ah’ waana arday xirfadda ay barteen k ushaqaysan kara maanta, waxan uga baaqayaa in ay cilmiga ay barteen uga faa’ideyaan walaalahood Soomaaliyeed”, Sidaa waxaa yiri Farax Qare.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Hiddaha Sare Tacliinta Soomaaliya, Faysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in ardada cimiga badaha baratay uu kala soo qayb-galo musabadda qalin-bedelashadooda, waxaana uu xusay in dawladda ay ka go’an tahay hurumarinta dugsiyada lagu barto xirfadaha.
” Waxan joojinay dugsiyo sare oo hor leh, balse waxan fureynaa sannadkan 9 dugsi oo 3 lagu baranayo cilmiga beeraha, 3-lagu baranayo cilmiga xoolaha iyo 3-lagu baranayo Cilmiga badaha, dawladda fariintaada way tix gelinaysaa oo waad heli dugsi aad wax ku barto Cilmiga muuhiihmka ah ‘Hambalyo”, Mr. Guuleed ayaa sidaas ku soo geba-gebeeyey munaasabadda Qalin jebinta.
Soomaaliya ayaa leh xeebta uga dheer Africa taasi dhirirkeeda yahay 3,333 Kilometer, hayeeshee waxaa muuqata in aad looga fa’ideysan.
Tabaradan noocan ayaa dhiira-gelin u ah hurumarka shaqa abuurka iyo wax soo saarka dalka.