Dani oo ku guulaystay Doorashada Madaxweynaha Puntland

0

iyadoo magaalada Garowe ay maanta ka socotay doorashada madaxweynaha Puntland iyo ku xigeeniisa ayaa waxaa kusoo baxay Siciid C/laahi Dani kadib markii uu ka guulaystay Asad C/laahi Cismaan Diyaano.

Gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka Puntland oo ka hadlay Natiijada Tirinta Codadka ayaa sheegay inuu Siciid C/laahi Dani helay 35 Cod halka asad cismaana uu helay 31 cod.

Madaxweynaha Cusub Puntland mudane Siciid C/laahi Dani oo shacabka la hadlay kadib guushiisii ayaa hanbalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Puntland waxaana sidoo kale uu hanbalyo u diray Asad C/laahi Cismaan Diyaano.

Gaba gabadii waxaa halkaasi lagu dhaariyey madaxweynaha Cusub ee Puntland Mudane Siciid C/laahi Dani.