Wararka aan ka helayno degmada marko ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegayaa in degmadaasi ay weerar kusoo qaadeen Ururka Alshabaab, Dagaalkan ayaa ku bilaawday Bambo Gacmeed lagu soo weeraray Ciidamada Dowladda ee xarunta Marka ku sugan.
Gudoomiyaha Degmada Marka Maxamed cismaan Yariisoow ayaa sheegay in Rag ka tirsan Alshabaab ay xalay kusoo qaadeen weerar Gaadma ah oo uu ku sheegay dhufo oo ka dhaqaaq ayna ciidamada xogga ay iska caabiyeen, Waliba ay kusoo dhuunteen xaafadaha degmada marko, ay ka guuleysteen weerarkii ay soo qaadeen alshabaab.