Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka socda duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose, iyadoo ciidamada Jubbaland ay ku wajahan yihiin deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Sida ay wararku sheegayaan ciidamo ka tirsan Jubbaland oo maalmihii la soo dhaafay lagu diyaarinayay Afmadow ayaa u dhaq dhaqaaqay dhanka deegaanada Shabaabka maamulaan ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Ciidamada Jubbaland oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa labo jiho kaga ambabaxay degmada Afmadow, waxaana qorshahooda koowaad yahay sidii deegaanada hoos-yimaada Afmadow ula wareegi lahaayeen, kaddibna uga gudbi doonaa Gobolka Jubadda Dhexe.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor ka sheegay Afmadow in ciidankooda diyaar yihiin, isla markaana dhowaanl al wareegi doonaan deegaanada Jubadda Dhexe.