Dabka ayaa ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Soobe iyo Banaadir ee Magalada Muqdisho gaar ahaan Goob lagu iibiyo Shidaalka,waxaana ka dhashay khasaaro hantiyaeed.
Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha degmada Hodan C/kariin dhega-juun ayaa gaaray goobta,waxaana uu sheegay in dabka saacado kadib la demiyay.
Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Goobta uu dabka ka kacay ayaa wax auu sheegay in dabka uu ka dhashay korontoi,isla markaana uu baabi’iyay in ka badan 7 Qol oo Goobo Ganacsi ahaa,hayeeshee uusan geysan wax khasaaro nafeed ah.