Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo ballaaran ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyay xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi.
Taliye ku xigeenka saldhigga Booliska ee degmada Afgooye Dhame C/laahi Axmed Xalane ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay illaa 10 Qof oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab.