DHAGEYSO:-Wasaaradda ganacsiga iyo warshada dalka oo magacawday guddi ka shaqeeya xoojinta tayada iyo tirada waxyaabaha dalka laga dhoofiyo

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa wuxuu ku Magacaabay Gudiga Xoojinta Iyo Suuq gaynta Wax soo saarka Dalka Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa waxaa si rasmi ah loogu soo Magacaabay Gudiga xoojinta Wax soo Saarka Dalka Soomaaliya.

Xubnaha Gudigan ayaa waxay iskala shaqeyn doonaan Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya waxaana howshooda ay noqon doo taa sidii loo hagaajin lahaa tayada Bedeecadaha laga dhoofiyo dalka, loona badin lahaa, looguna heli lahaa suuqyo loo iibgeeyo.

Hoos ka dhageyso codka