SAWIRO:- Nin kufsi iyo dil isugu daray Gabar oo lagu toogtay Garbahaarey

0

Maxkamada ku taala magaalada Garbahaareey ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay nin kufsi u geystay gabar, kadibna dilay.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cali Xaamud ayaa Maalmo ka hor Maxkamad ku xukuntay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay dambi ah inuu kufsaday gabar, kadibna dilay.

Ninkan oo 32 sano jirka ayaa qirtay kufsiga uu gabadha u geystay iyo inuu markii danbe dilay, sidaas waxaa sheegay Guddoomiyaha Maxkamada magaalada Garbahaarey.

Goobta xukunka lagu fulinayay oo ay joogeen ehelka labada qoys iyo dad Shacab ah, ayaa waxaa ka hadlay maamulka Garbahaareey iyo Saraakiisha Ciidamada, kuwaasoo dhalinyarada uga digay iney ku dhaqaaqaan falalka kufsiga.

Dad badan ayaa soo dhaweeyay xukunka lagu riday ninkan kufsiga lagu soo eedeeyay, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay deegaano ka mid ah Puntland ay ka dhaceen dhowr kiis oo kufsi ah, iyadoo ay ugu xanuun badneyd kufsi iyo dil loo geystay Caasha Ilyaas oo 13 jir aheyd.