Golaha Amaanka ee Q.M oo go’aamiyay in 1,000 Askari laga saaro Somaliya

0

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa go’aansaday in la dhimo 1,000 askari oo kamid ah Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in ay walwal ka qabaan wali weerarada Al-Shabaab ay geysanayaan, sidaas oo ay tahay lagama maarmaan ay noqotay in la dhimo Ciidanka Midowga Afrika.

Qorshaha dhimista 1,000-ka Askari waxaa soo jeediyay Britain, si loo gaarsiiyo 28-ka Febaraayo 19,626 Askari, lana kordhiyo Booliiska AMISOM oo la gaarsiinayo 1040-askari oo Boolis ah.

Howshaan ayaa qayb ka ah Qorshaha kala guurka 2017-kii lagu heshiiyay in mas’uuliyadda Ammaanka dalka si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyo Ciidamada Soomaalida kahor Doorashada sanadka soo socda.

Qaramada Midoobe ayaa daneyneesa in la xasiliyo Soomaaliya, halka Dagaalamaasha Al-Shabaab ee ku xiran Al-Qaacida Tobaneeyo sano kahor ay ku haminayeen in ay qabsadaan Dowladda, sida warka lagu yiri.

Al-Shabaab waxaa Magaalada Muqdisho ka saaray Ciidanka AMISOM sanadkii 2011-kii, waxaana ay dhumiyeen xarumahooda, balse waxa ay wali ku harsan yihiin duleedyada, iyaga oo halis ku ah Nabadda Soomaaliya.

Dib u eegista Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobe arrimaha amniga Bilihii lasoo dhaafay waxaa kordhay weerarada Caasimadda ay ka geysteen Al-Shabaab, waxaana ku jira Weerarkii Hoobiyaasha ay u adeegsadeen ee ay ku qaadeen dhismaha Qaramada Midoobe.

Bishii Maarso kaliya, Labo gaari oo qaraxyo kusoo rareen Al-Shabaab waxa ay ka geysteen Muqdisho, waxaana lagu sheegay walxihii ay u adeegsadeen 28 aaladood oo ah kuwa qaraxyada loo isticmaalo, sida lagu sheegay dib u eegista.

Todobaadkii tagay, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo shan ruux oo kale ayaa ku dhintay Qarax gaari loo adeegsaday oo Al-Shabaab sheegteen, kana dhacay Muqdisho.