Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sakiyo Xuseen oo qoraal ay soo dhigtay Barteeda twitter-ka ayaa waxaa ay sheegtay in Ciidanka booliska degmada Boondheere ay xalay toogteen ruux hubeysan oo la sheegay in uu ka tirsan yahay dagaalamayaasha Al Shabaab.
Dilka ninka hubeysa ayaa ka dambeeyay kadib markii la sheegay in ruuxa hubeysan uu doonayay in uu dilo Askari Boolis ah.
“Ciidanka amniga ee Degmada Boondhere ayaa caawa abbaaro 7:15 fiidnimo waxay iska hor imadeen shaqsi ka tirsan kooxda argagixisada Al Shabaab, kaas oo ku hubeysnaa Bistoolad, una dan lahaa inuu dilo askari howl u taagnaa.Israsaaseyn keddib waxay ciidamada amniga toogteen dhagar qabahii watay Bistoolada, isla meeshuu ayuuna ku dhintay. Nasiib wanaag ma jiro qof kale oo wax ka soo gaaray howlgalkaas” ayay tiri taliye Sakiyo Xuseen.