TOP NEWS:-Kenya Oo Loogu Baaqay In Ay Ka Harto Kiiska Badda

0

Koox Kenyan ah ayaa waxay ka doonayaan dowladda Kenya in aysan wakiilo matala u dirin dhageysiga kiiska dacwada badda ee u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi, kaasoo lagu wado in lagu qaado maxkamada caalamiga ee Hague bisha soo socota.

Kooxdan oo u ololeenaya in Kenya ay kiiskaasi faraha kala baxdo, ayaa sidoo kale doonaya in maxkamada sare ee Kenya ay hor istaagto in kiiskan ay ka qeyb galaan masulliyiinta kal ah: xeer ilaaliyaha guud Kihara Kariuki, wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma iyo xafiiska Kenya u qaabilsan xaduudaha caalamiga, maadaama arrintan ay meel ka dhac ku tahay destuurka dalka Kenya, sida ay sheegeen.

Dacwad ay u gudbiyeen maxkamada sare ee Kenya, ayey kooxdan waxay ku doodayaan in kiiskan uu keeni karo in isbadel uu ku yimaado dhulka Kenya iyadoon aan wax afti ah la sameynin, sida uu qabo destuurka wadankooda.

Iyagoo adeegsanaya qareenada ka howlgala xarunta qareenada ee Kinoti and Kibe Co Advocates, ayaa koox 20 ka kooban, waxay ka dalbanayaan maxkmada inay soo saarto amar diidmo ah oo lagu hor istaagayo saddex xafiis oo dowlada Kenya u xil saartay ka qeyb galka kiiska dacwada badda ee Somalia iyo Kenya.

Kooxdan waxay kaloo doonayaan in xeer-ilaaliyaha guud lagu qasbo inuu xaqiijiyo in Kenya aysan qeyb ka aheyn heshiiska dacwad-qaadista arrimaha caalamiga ee maxkakamada Hague, arrintaasoo haddii ay sii socoto ay saameyn ku yeelan karto in wax laga badelo dastuurka Kenya u yaalla.

Kooxdan waxay kaloo u ololeenayaan in kiiska dacwada badda si hoose oo xaal mastuur ah lagu dhameeyo, inkastoo dowladfa Soomaaliya ay horey cadeysan in maxkamada lagu kala bixi doono.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanadkii 2014-kii dacwad u gudbisay maxkamada caalamiga ee ICJ, taasoo ku saabsan in Kenya ay damaacisay qeyb kamid ah biyaha dalkeena.

Damaca Kenya ayaa yimid ka markii dowladii KMG ee Sharif Sheekh Axmed ay Kenya la saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan in laga wada hadli karo xaduuda badda u dhexeysa labada wadan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa todobaadkii hore wuxuu gaashaanka ku dhuftay codsi kaga yimid dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta oo ahaa inay wada hadlaan.